Golaha wasiirada oo faahfaahiyay xil ka qaadista Sanbaloolshe

RW Cabdiweli oo shir guddoominaya shirkii maanta ee golaha wasiirada
RW Cabdiweli oo shir guddoominaya shirkii maanta ee golaha wasiirada

Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu shir gudoominayey ra’iisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha wasiiradu xilkii ka qaadeen agaasimihii hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay shirka golaha Wasiirrada in warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

“Kulankii maanta ee golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaa warbixin ku aadan amniga dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga laga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga waxayna soo saareen feejignaan gaar ah in masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ay yeeshaan kaddib dilkii hoggaamiyihii kooxda Al-shabaab, goluhu wuxu soo dhaweeyay howlgallada ay wadaan Ciidamadda Xogga dalka iyo AMSIOM ee ka socda gobollada dalka” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in xilkii agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya laga qaaday Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) si ku-meel gaar ahna xilkaasi loogu dhiibay ku xigeenkiisa isaga oo ku tilmaamay sababaha xilka looga qaaday sababo la xiriira xil gudasho.

“Golaha Wasiirradu waxay xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxana si KMG ah loogu dhiibay xilkaas inuu sii hayo ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda”

 

 

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW