U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Go’aamiyey Kordhinta Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankooda isbuuclaha ah ayaa si qoto dheer uga dooday xaalada amniga guud ee dalka, waxaana kulanka shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh.

Ugu horreyti Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ku bilaabay u tacsiyeynta dadkii ku geeriyooday weerarkii nabaddiidku ku qaadeen Hoteelka SYL.

Golaha ayaa waxey isgu raceen in laga war hayo caruurta askartii ku shahiiday weerarkaa, waxaana si gaar ah loo xusay taliyihii askarta irida hore ee madaxtooyada Marxuum Bashiir Yaasiin, Golaha ayaa ku abaalmariyay taliye bashiir go’aan gole uu ah sida soo socota:

  • In lagu daro liiska askarta ma dhintaha ah islamarkaana la siiyo bilad sharaf
  • In loogu magacdaro irida hore ee madaxtooyada
  • Waxbarashada caruurtiisa iyo caruurta askarti uu taliyaha u ahaa ee ku dhimatay weerarkaa ay masuul ka tahay Wasaaradda Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa faray dhamaan Wasaaradaha shaqada leh iney soo diyaariyaan siyaasad hageysa wax u qabashada qoysaska askarta iyo shaqaalaha rayidka ah ee geeriyooda ayagoo ka shaqeynaya danaha qaranka.

Ugu dambeyntii Wasaaradda gaashaandhiga ayaa ballan qaaday iney kordhin doonto dagaalada lagu ciribtirayo argagixisada si aysan ugu hirgelin iney is hor-istaag ku sameeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan.

—–DHAMAAD—–