U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Meel Mariyey Siyaasadda Dadka Kasoo Laabta Fikirka Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku ansixiyeen siyaasadda dadka kasoo laabta fikirka Al-shabaab, waxaana kulankaasi shir guddoominayey Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaliya ayaa kulanka golaha wasiirada kaga codsatay ansixinta siyaasaddan, maadaama golaha uu horyaalla muddo Saddex Todobaad ah, iyadoo ugu dambeyn golaha ay meel mariyeen.

Qaab siyaasadeedkan ayaa ka hadlaya sida loola dhaqmayo dadka ka soo laabta fikirka Al-shabaab.

Dhinaca kale wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey howlgallo ay ciidamda Danab ka sameeyeen meello ka mid ah gobollada dalka.

Wasiirka wuxuu sheegay in howlgallada oo ahaa kuwo qorsheysan ay ciidanka Danab dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo soo xiray shirka ayaa ku boorriyay dhammaan Wasiirrada, Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir xigeennada in la ilaaliyo hantida dowladda waqtiga isbadalka lagu jiro, islamarkaana la Labo laabo howsha ay Ummada Soomaaliyeed u hayaan, kana fogaadaan wax walba oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed si dalka ay uga hirgesho doorasho xor ah.