U bood dhigaalka

Golaha wasiirada Soomaaliya oo guddi u saaray cabashada muruqmaalka dekeda Muqdisho

Sheeko:Dalka

golaha

Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya shirkooda waxaa manta guddoominayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyada oo  kulanka lagu amba qaaday ka doodista hindise sharciyeedyo golaha hor yaallo.

Shirka qeybtiisa hore ayaa wasiirada amniga iyo gaashaandhigga looga dhageystay xaaladda amni ee dalka iyo howl-gallada dalka ka socda, iyadoo si qoto dheer looga dooday  jahawareerka maalmihii la soo dhaafay ka jiray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyo howlo kale oo muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa warbaahinta sharraxaad ka siiyey shirkii golaha wasiirrada waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in golaha wasiirrada dood dheer kadib ay guddi shan wasiir ah u saaraan sidii ay war bixin uga keeni lahaayeen cabashooyin ay dekedda Muqdisho howlaheeda ka soo gudbiyeen shaqaalaha muruq-maalka.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa maanta meel mariyey sharciga caalamiga ah ee ilaalinta xaquuqda carruurta oo ay soo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka iyadoo  sharcigaasi uu noqonayo markii  ugu hireysay oo ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirto sida wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya uu sheegay.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dib u dhigay ansixinta hindiseyaasha kala ah kheyraadka biyaha iyo xannaanada xoolaha oo todobaadkii hore ay ka doodeen golaha wasiirrada Soomaaliya, waxaana guul weyn noqeysa in Soomaaliya ay  qeyb ka noqoto sharciga caalamiga ah ee xuquuqda carruurta