U bood dhigaalka

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ka hadlay qabsashada Baraawe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

golaha

Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku faahfaahiyay howl galka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen degmada Baraawe.

Kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha qarsho) kaasi oo sheegay in ciidamadu ay beegsan doonaan deegaano kale oo ka mid ah goobaha ay weli ku suganyihiin xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xusay in qabsashada Baraawe ay ka dambeyso howl culus oo uu sheegay in ay qabanayaan ciidamada is kaashanaya. Waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab in ay ka faa’ideystaan cafiska ay u fidisay xukuumadda Soomaaliya oo ay isku soo dhiibaan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in xukuumaddu ay diyaarisay gurmad deg deg ah iyo maamulkii degmada Baraawe si adeegga bulshada ay shacbiga u helaan, isla markaana aysan jiri doonin Al-Shabaab waddooyin ay go’dooyimiyaan sida uu xusay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay wadamada dariska ah in ay feejignaan dheeri ah sameeyaan.

Ciidamada huwanta ayaa shalay subax si buuxda ula wareegay gacan k haynta magaalo xeebeedka Baraawe oo xarunta ugu wayn u ahayd Al-shabaab.

Hoos ka dhageyso codka ra’iisal wasaare Cabdiweli: