U bood dhigaalka

Golaha wasiirada Soomaaliya oo magacaabay taliyaha nabad sugida dowladda

Sheeko:Dalka
Kornel. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur yare
Kornel. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur yare

Shir deg deg ah oo ay maanta yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ugu magacaabeen Kornel. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur yare xilka taliyaha cusub ee hey’adda nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka aan caadiga aheyn oo ay yeesheen golaha wasiirrada islamarkaana uu shir guddoominayay ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen iyo wasiirka Owqaafta iyo arimaha Diinta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa looga hadlay arimaha amniga dalka iyo baahida loo qabo in mas’uul loo magacaabo hey’adda nabadsugida dowladda.

Wasiirka amniga qaranka Qaliif Axmed Ereg ayaa soo jeediyay in Kornel. Tuur yare loo magacaabo taliyaha hey’adda nabad sugida, iyada oo golaha wasiirraduna ay isku raaceen in Tuur yare loo magacaabo xilkaasi.

Kornel. Tuur yare ayaa xilal kala duwan uga soo qabtay hey’ada nabad sugida iyo sir doonka qaranka ee hadda loo magacaabay, isagoo xiligan ahaa gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay  hey’adda nabad sugida qaranka ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay hey’adda nabad sugidda.

Xilalka uu hore uga soo qabtay hey’adda nabad sugidda ee hadda loo magacaabay Kornel Tuur yare ayaa waxa ay kala yihiin:

1-Hogaanka Arimhaha Dibadda ee nabad sugidda Qaranka Soomaaliya.
2-Hogaanka Baarista Danbiyada ee Qaranka Soomaaiya.
3-Hogaanka Tababarada iyo Qorshaynta Qaranka Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ogolaaday xil ka qaadista golaha wasiirada xukuumadda ay kol hore ku sameeyeen taliyihii hore ee nabad sugida dowladda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).