U bood dhigaalka

Golaha wasiirada Soomaaliya oo meel mariyay xeerka saxaafadda

Sheeko:Dalka
RW Cabdiweli oo shir guddoominaya shirkii maanta ee golaha wasiirada
RW Cabdiweli oo shir guddoominaya shirkii maanta ee golaha wasiirada

War goor dhow naga soo gaaray xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay manta meel mariyeen xeerka saxaafadda.

Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay  xeerka saxaafadda oo labo todobaad ka hor ay hor geysay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya kadib latashiyo ay la sameyneysay qeybaha kala duwan ee saxaafadda ka howlgasha gudaha caasimadda iyo gobollada Soomaaliya.

kulankan golaha wasiirada oo dood dheer looga yeeshay qodobada xeerka saxaafaddu uu dhigayo iyo qaabka dhowrista xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta meel mariyay xeerkaasi iyagoo u gudbin doona baarlamanka Soomaaliya oo isagu hadda ku jira xiliga fasaxa iyada oo golaha baarlamanku uu isaguna ka doodi doono.

Xeerka saxaafadda ayaa soo maray la tashiyo fara badan oo ay wasaaradda warfaafintu la yeelaneysay qeybaha uu quseeyo si loo soo saaro xeer wax gal u ah warbaahinta Soomaaliya maadaama mudo ka badan 20 sanadood uusan jirin xeer ay saxaafaddu leedahay inkasta oo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Musatafa Sheekh Cali Dhuxulow uu mas’uuliyad weyn iska saaray sidii loo dhameystiri lahaa xeerka saxaafadda Soomaaliya.