U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Galmudug oo Ansixiyay Degmooyin Cusub

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad galmudug,  Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada ee xukuumadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, shirka waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo amnigu kamid ahaa.

Shirka golaha ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga deegaannada maamulka, waxaana intaas kadib wasaaradda arrimaha gudaha, federalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha xukuumadda, in cod loo qaado  degmooyinka Baxdo iyo Wisil, oo kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday, waxaana dood dheer kadib bilaabatay codka gacan taaga ah, iyadoo madaxweynuhu uu bilaabay codka loo u qaaday  ee lagu ansaxinta degmooyinkan, waxaana markii dambe ku raacay cod gacay golaha oo iyagu dhankooda gacanta u taagay ansixinta, mana jirin cid ka aamustay, u codeynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay dhankooda ay u meel mariyaan  una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, labadaan degmo ee kusoo kordhay degmooyinka dowlad gobolleedka Galmudug.

Goobjoog News