U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Galmudug oo Maanta Yeeshay Kulankoodii Ugu Horeeyey Ka Dib Ansixintoodii

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta shir guddoomiyey shirkii ugu horeeyey oo golaha wasiirrada ay yeeshaan ka dib markii uu meel mariyey golaha wakiilada maamulka Galmudug maalinimadii shalay kulan maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi.

Shir ayaa ayaa ajandihiisu ahaa isbarashada wasiirrada cusub iyo in xukuumaddu iska wareysato qorshaha 100 maalmood ee soo aadan sidoo kale wasiirada ayaa intii uu kulanka maanta uu socday isku soo qaaday cudurka safmareenka ah ee COVID-19 oo kiisas ka mid ah lagu arkay deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale madaxweynaha iyo golaha wasiirrada ayaa isla gartay dib u qaabeynta guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus oo dhowaan uu magacaabay madaxweynaha iyagoo isla qaatay in loo baahan yahay in guddiga laban laabo hoosha lagu xakamaynayo xanuunka faafitaanka COVID-19 iyo bulshada looga wacrigelin lahaa xanuunka.

Goobjoog News