U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Jubbalanad oo Ansixiyay Degmooyin Cusub

Sheeko:Amniga
Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka  Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo sidoo kale guddoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan, waana markii ugu horaysay oo shirka golaha uu ka dhaco meel ka baxsan Kismaayo.
Ugu horeyntii Madaxweyne kuxigeenka koowaadee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gunaanadkii doorashooyinka qabsoomay, golaha ayuu u sheegay in loo baahan yahay in la dar dargaliyo howlaha hortebinta u leh Dowladda oo ay ugu horeeyaan bixinta adeegyada bulshada, taakuleynta dadka ay abuuruhu saameeyeen iyo qodobo kale.
Wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland mudane Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa golaha uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga, iyadoo dhiirigalin iyo bogaadin loo soo jeediyey ciidamada kale duwan ee Jubaland iyo kuwa Danab oo howlgalo guuleystay ka fuliyey deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubaland mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo jeediyey qiimeynta degmooyin cusub iyo ansixinta labo degmo oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobley kuwaas oo guddi wasiirro ah ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay qiimeynta iyo naqshadeynta degmooyinkaas.
Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubaland, waxaana madaxweyne ku-xigeenka Koowaad uu sheegay in sidoo kale ay golaha wasiirradu sidoo kale u shiri doonaan Buur-dhuubo.
Ugu dambeeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Jubaland mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa golaha horkeenay wajiga labaad ee xeerka dhaqan galinta miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota sanadkan 2022, iyadoo kharashka miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota ay gaareyso US$ 42,322,030.94.
Goobjoog News