U bood dhigaalka

Gollaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxay sida ugu adag u cambaareeyeen Qaraxyadii  dhowaan ka dhacay  magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022, kuwaas oo lala eegtay meel aan ka fogeyn wasaaradda waxbarashada Hida Xukuumadda federalka, waxaana ka dhashay khasaare baahsan, bayaan kasoo baxay golaha ayaa waxaa lagu yiri.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab” ayaa lagu bayaanka golaha ammaanka.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas, lana horkeeno sharciga. Waxay ku booriyeen dhammaan Dawladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aamada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintan” ayaa lagu yiri sidoo kale.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku celceliyeen in falal kasta oo argagixisanimo ay yihiin dembiyo, isla markaana aan marmarsiinyo lahayn, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysatay. Waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dawladaha ay si kasta ula dagaallamaan khataraha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababaan falalka argagixisanimo, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee hoos yimaada sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada xilliyada colaadaha” ayaa dhanka kale lagu yiri.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay ugu suurtagasho inay sii waddo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri gabagabadii bayaan golaha ammaanka.

Goobjoog News