U bood dhigaalka

Golaha wasiirrada Maamulka Galmudug Oo Maanta Warbixin Ka Dhageystay Wasaaradda Maaliyadda Ee Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Gollaha wasiirrada maamulka Galmudug ayaa maanta kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxaa looga hadlay arrimaha maamuliyadda ee maamulkaasi.

Kulankaan gollaha wasiirrada maamulka Galmudug waxaa shir guddoominayay ku simaha madaxweynaha madaweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa warbixin looga dhagaystay kulankani maanta ka dhacay madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado.

“Waxaasaraddu waxay soo bandhigtay dhaqaalihii na soo galay sanadkii tegay iyo bilihii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale gollaha wasiirrada aan la wadaagnay miisaaniyadda aan gacanta ku heyno sanadkaan 2017-da oo la diyaarinayo, waxaa kaloo uga warbixinnay miisaaniyaddii la helay sanadkii tegay waxaana kala hadalnay dardargalinta helitaanka dhaqaale cusub” ayuu yiri wasiir xigeenka maaliyadda Galmudug Maxamed Axmed Faarax oo wareysi siiyay Goobjoog News.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Galmudug ayaa qiray in dhaqaalaha haatan soo gala Galmudug uusan ku filneyn qabashada shaqooyinka wasaaradaha Galmudug, hase yeeshee lagu dadaalayo sidii la isku waafajin lahaa.

Waxaa kaloo uu sheegay wasiir xigeenku in miisaaniyad horay ay baarlamaanku u ansixiyeen aan la helin badankeeda, waxaase uu tilmaamay in dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka helaan dhaqaale balse aysan ku fileyn.

Ugu dambeyn shirkani golaha wasiirrada maanta ay ku yeesheen magaalada Cadaado oo looga hadlay ammaanka iyo degaannada ka maqan maamulka Galmudug iyo sidii uu ku gaari lahaa sida kuwa ay ku sugan yihiin Xarakada Alshabaab  ayaa waxaa xiray madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi.

Goobjoog News