U bood dhigaalka

Goobaha ganacsi ee Soomaalida Koonfurta Sudan oo xiran ka dib muwaadinkii sedaxaad oo dalkaasi lagu dilay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa xiran dhamaan goobihii ganacsiga ee Soomaalida ku lahaayeen dalka Koonfurta Sudan, ka dib markii dalkaasi lagu dilay muwaadinkii Sedaxaan ee Soomaali ah.

Wararka waxay sheegayaan in muwaadinkii ugu dambeeyay ay dileen rag hubaysan, ka dib markii ay jidka u galeyn gaari uu sitay, oo dhegxaan jidka looga xiray, markii uu joogsadayna ka dib rasaas lagu furay.

Maanta ayaa la arkayaa dhamaan goobihii ganacsiga ee Soomaalida ku lahaayeen dalka Koonfurta Sudan iyaga oo xiran, waxaana ganacsatada ay doonayaan in dowladda dalkaasi ay jawaab cad ka bixiyaan waxaan dhacay.

Wal walka ugu badan ayaa ah in hadda dalkaasi uu kasoo cusboonaado falalka lagu dilaayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana hadda ganacsatadu ay sheegayaan in ay jawaab cad ka sugayaan dowladda Koonfurta Sudan.

Muuse Xasan C/raxmaan oo ka mid ah Soomaalida halkaasi ku sugan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ganacsigooda laga yaabo inay dib u furan ka dib markii ay lasoo kulmaan madaxda maamusha halka ay joogaan, waa hadii ay helaan jawaab cad.

Dhanka kale Muuse ayaa tilmaamay in hadii aysan helin Soomaalida damaanad amnigooda ah intaasi ay keeni doonto dib uga fiirsasho sii joogista wadanka Koonfurta Sudan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News