U bood dhigaalka

Goobjoog FM oo booqatay guriga Kamaal Rajab Dayib Erdogan

Sheeko:War
Bidix, Wariye Munasar & Erdogan iyo Madaxweyne Erdogan oo la sawiran isla wiilka yar sadex sano ka hor.
Bidix, Wariye Munasar &Kamaal Erdogan iyo Madaxweyne Erdogan oo la sawiran isla wiilka yar sadex sano ka hor.

Goobjoog FM ayaa maanta booqatay hoy(aqal) ka sameysan bac oo ay ku noolyihiin qoysas barakacayaal ah gudaha magaalada Muqdisho. Qoysaskan ayaa ku nool xero ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wariye Munasar Maxamed Cabdi ayaa wareysi gaar ah la yeeshay wiil saddex jir ah oo uu kor u qaaday Ra’iisal wasaaraha xilkiisu dhamaadka yahay ee Turkiga Erdogan.

Wiilkan yar ayaa loogu magac daray Kamaal Rajab Dayib , Ama Khaalid Rajab Dayib isagoo markaas jira labo bilood kadib markii uu gacmihiisa ku xambaaray madaxwaynaha cusub ee Dalka Turkia , Receb Tayib Erdogan oo soo gaaray Magaalada Muqdisho 2011-kii.

Labada Magac waxaa u bixiyay Madaxwayne Erdogan, laakin Magaciisa oo dhamaystiran waa Khaalid Cabdiraxman Muuse sida waalidiintiisa ay u sheegeen Goobjoog FM. Hadda waa wiil sadex sano jir ah , waxa uuna ku nool yahay xeradii lagu dhalay ee Rajo ee Muqdisho ku talla.

Booqadashada wariye Munasar Maxamed Cabdi uu ugu tagay Wiilka yar kadib,Goobjoog FM waxa ay ogaatay in uusan haysan waxbarasho , adeeg caafimaad iyo nolol wanaagsan .

Waalidiintisa ayaa ah wali dad barakac ku ah xeradii uu Madaxweyne Erdogan uu ku booqday saddex sano kadib .

GoobjoogFM ayaa dib u raadisay saddex sano kadib xaaladda ay ku sugan yihin wiilka lagu samiyay Madaxwaynaha Turkiga ee Khaalid Rajab.

Hooyada wiilkan oo lagu magacaabo Bishaaro Kuusow ayaa u sheegtay Goobjoog FM in aysan haysan adeegyo badan oo aasaasi ah, isla markaana ay u baahanyihiin gargaar.