U bood dhigaalka

Goobjoog Media Group Iyo Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Dhireyn Ka Wada Waddooyinka Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Goobjoog Media Group iyo qaybteeda Faaya dhowrka Deegaanka oo dhiiragelinaya Hal abuurka Ubaxa Caasimadda oo ah mashruuc lagu dhiraynayo waddooyinka caasimadda ee la dhisay ayaa raadraadin ugu jira sidii caasimaddu u noqon lahayd Magaalo bilicsan oo indhahu ku doogsadaan.

Wajiga 1-aad ee barnaamijkan dhiraynta ee sida wadajirka ah uga shaqaynayaan dhallinyaro iskood isku abaabushay iyo warbaahinta Goobjoog ayaa  ka socda wadada Makka Al-mukarama taas oo soo jiidatay dareenka dadka shacabka ah oo u arka fikirkan mid wanaagsan.

Cumar Cabdirisaaq Yuusuf, waa qof ka mid ah dadka ku nool Muqdisho waxa uu ka waramayaa aragtidiisa iyo buddhigga mashruucan Ubaxa caasimadda.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan arko dhallinyaro Soomaaliyeed oo dhir ku talaalaya wadada Makka Al-mukaramada Muqdisho, haddii aynu nahay shacabka Soomaaliyeed waa in aynu kaalin ka qaadannaa”

Laga Bilaabo  Isgoyska Sayidka ee wadadan Maka Al-Mukarama  ilaa iyo  Isgoyska Xaawo taako ayuu qorshaha bilowga 1,aad ee dhirayntu yahay , meeshan aynu ku sugannahay waxaa shaqaynaya dhallinyarta ubaxa Caasimadda oo ku labisan Funaanadda Goobjoog Media Group.

Qof kasta oo halkan socod iyo gaari ku maraya wuxuu jaleecayaa bilicda dhirtan yaryar ee lagu beeray halkan oo muuqalka u badashay meel cagaaran oo qurxoon.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Cusmaan Muxudiin Cali oo la hadlay GoobjoogFM ayaa sheegay in isku daygan uu yahay mid ka timid maskax curin leh oo ka damqanaysa bilic daridda haraysay caasimadda wuxuuna balan qaaday inuu la shaqaynayo inta ku howlan shaqadan.

“Anigoo halkan maraya ayaan arkay dhallinyarada oo shaqadan wada, waan la qeybsaday inaan wax ka beeo dhirta, waxaan ku dhiiro-gelinayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan dhireynta magaalada Muqdisho, garabkiina ayaan taagannahay”

Maxamed Maxamuud Axmed waa xubin ka tirsan Ubaxa Caasimadda , wuxuuna kaalin wanaagsan ka qaadanaya dhireenta Magaaladda , waakan isagoo ka waramaya fikiran iyo wadashaqaynta muuqata ee Goobjoog Media Group  ku leedahay shaqadan .

Qof walbo oo Soomaaliyeed waxaan ka sugeynaa taageero maadaama mashruucan dan guud uu yahay, waxaa taageero inuu fidiyey hadda Idaacadda Goobjoog qeybteeda deegaanka”

Xasan Maxamuud Maxamed, waa agaasimaha Goobjoog, waxa uu sharaxaad ka bixinayaa sida loo bar bar istaagay dhallinyarada Ubaxa Caasimadda waxaana uu sheegay in sidoo kale Goobjoog ay kaalin ka qaadan doonto dhir lagu beero meelo badan oo magaalada Muqdisho ah.

“Goobjoog Media Group waxay ka qeybqaadaneysaa bilicda magaaladaan iyo soo nuurinteeda, iyadoo taas ka duuleysa ayaa annaga oo kaashaneyna dhallinyaro iskood isku abaabulay oo la baxay Ubaxa caasimadda waxay billowday inay taaba geliso barnaamijkaasi, kana qeybqaadato qurxinta, bilicda magaalada iyo inay qurxiso oo geedana ku beero meelihii waddooyinka ka bannaanaa ee loogu talo galay geedaha, ayna sameyso in dadka annaga naga duwan ee bannaanka ka imaanaya markii ay yimaadaan ay arkaan in magaaladan tahay magaalo dad leh, dadkeeda nool yihiin quruxsanayaan una diyaar garoobayaan in adduunka la tartamaan ayna muujineyso in niyadda aysan dadka ka dhiman, waxay Goobjoog ugu talo gashay inay qurxiso dhowr meel, hadda waxaan ka billownay wejiga 1-aad wadada Makka Al-mukarrama waana in geedo lagu beero wadada lana rinjiyeeyo meelihii meelihii dadka laamiga ka goyn lahaayeen, Jardiinka wadada kala qeybiyana rinji fiican la mariyo” ayuu yiri Agaasime Xasan.

Wajiyadda labadaad barnaamijkan Ubaxa Caasimadda ee kooxdan iskaashanaysa ayaa noqon doona kuwo lagu fidiyo dhamaan waddoyinka Muqdisho intooda dhisan , iyadoo mustaqbalka la hiigsanayo in la helo deegaan badqaba oo dhirtu ku badan tahay .

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Goobjoog News