U bood dhigaalka

Goobjoog News: Jadwalka Barnaamijyada Cusub ee Ramadaanka

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta billow ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Idaacadda Goobjoog oo muddo u diyaar garoobeysay bishan ayaa dhageystayaasheeda ugu talagashay Barnaamijyo cusub.

Barnaamijyada waxaa ka mid barnaamijyo Diini ah oo ka hadli doona wax walba oo bisha ku saabsan, Waxaa ka mid ah Caafimaadka oo dhageystayaasha Goobjoog ay idaacadda ka maqli doonaan maalin kasta talooyinka Dhakhaatiirta ee ku aadan Ramadaanka.

Barnaamijyada cusub ee Bishan Ramadaan lasoo kordhiyay waxaa ka mid barnaamijyo tartan ah oo Dhageytayaasha Idaacaddu ay heli doonaan abaal marin isugu jirta lacag iyo alaab, illaa 3 Barnaamij ayaa abaalmarin lagu heli doonaa kuwaas oo kala ah:

Barnaamijka Socdaalka Dunida oo soo gali doona: 2:00 PM —- 2:30 PM

Barnaamijka Garo oo Guuleyso oo soo gali doona:  5:00 PM —– 5:35PM

Barnaamijka Taariikhda Dalkeena  oo soo gali doona: 6:35 PM—-7:00 PM

Goobjoog News waxaad mar walba uga barateen Barnaamijyo iyo Fikrado cusub, Waa Ramadaan kale iyo Barnaamijyo cusub

Barnaamijyada Cusub waa:

  • Barnaamijka Socdaalka Dunida
  • Barnaamijka Caafimaadka iyo soonka
  • Barnaamijka garo oo ku guuleeyso (Weeydiimo aqoon guud ah )
  • Barnaamijka Taariikhda Dalkeena (waydiimo taariikhda dalka ah)
  • Axkaamta ramadaan

Waxaa jira Barnaamijyo  horay uga bixi jiray Idaacadda oo Bishan Ramadaan la hakiyay waxaana ka mid ah :

1-Barnaamijka Baarlamaanka Bar-baarta

2-Barnaamijka Dhageeystaha Goobjoog

3-Tafsiirka Quraanka

4-Barnaamijka Shaqa Doon

5-Hello doctor

Idaacadda Goobjoog 88.5 u daacad ah mar walba bulshada.