U bood dhigaalka

Goobjoog News oo Heshey Qorshaha Doorashada 2016-ka

Sheeko:Dalka

Kadib markii dowladda iyo baarlamaanka iyo beesha caalamka isku raaceen in sanadka 2016-ka aysan qabsoomi karin doorasho qof iyo codkiisa ah ayaa waxaa xukuumadda ay soo bandhigtey qorshe doorasho oo dhici doonta sanadka 2016-ka.

Sida ku cad dokumendi ay heshey Goobjoog News , maantana lagu soo hadal qaaday shirkii golaha wasiiradda ayaa waxa uu dhigayaa in qaabka cusub ay si wadajir ah oga wada qeyb qaadanayaan odayaasha dhaqanka, maamul goboleedyada, baarlamaanka, iyo dowladaba.

Waxase ugu weyn ee qorshaha ka muuqda ayaa ah in nidaamka wax qeybsiga beelaha ee 4.5 uu sidiisii ahaanayo, balse kaliya la badaniyo dadka soo xulanaya xildhibaanada.

Halkii xildhibaan waxaa soo xuleysa 100 qof, taasi oo ka dhignaaneysa in 27500 qof ay soo xuli doonto baarlamaanka kan xiga, kuwaasi oo ku kulmi doona 6 goobood oo dalka ka mid ah, haddii si kale loo yiraahdo 4ta beel ee waaweyn waxa ay soo xulayaan 6100 midkiiba, halka beesha shanaad ay keensanayso ergo dhan 3,050 qof.

Ergada soo xuleysa xildhibaanada waxaa soo ansixin doona baarlamaanada maamul goboleedyada sida kan Jubbaland, Koonfur Galbeed ama Galmudug oo kale, halka ergada ka imanaysa gobolka Banaadir ay ansixin doonaan golaha deegaanka gobolka ee la dhisi doono.

Arrinka kale ee xiisaha leh ee meesha ku jira ayaa ah in xisbiyadda siyaasadda la sharciyeynayo, kadibna laga qeybgalanayo hawlaha doorashooyinka, waxa uu xisbi kasta gudbin doonaa liiska xildhibaanada uu doonayo in ay baarlamaanka u galaan isaga oo ku salaynaya nidaamka 4.5, kadibna ergada ayaa kala xulan doonta dadka ku qoran liisaska la horkeeney.

Taasi waxa ay micnaheedu tahay in qofkii xildhibaan loo doorto ee gala baarlamaanka uu u galayo xisbiga soo gudbiyey magaciisa, sidaasina asxaabta ugu kala awood badnaan doonaan gudaha baarlamaanka.

Marka lasoo doorto xildhibaanada ee la dhaariyo ayaa waxa ay dooran doonaan madaxweynaha, iyada oo xisbiga hela %50 lagu daray hal boqolkiiba codadka ergada ee xildhibaanada doortey ayaa xaq u leh in uu soo dhiso xukuumadda, soona magacaabo Ra’isulwasaaraha, haddii hal xisbi heli waayana, asxaabta waxay samaysan karaan isbahaysi.

Goobjoog News