U bood dhigaalka

Goobjoog News Oo Maanta u Dabaal Degaysa Sanad Guuradeedii 3-aad

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan 14-ka July 2015-ka waa Sanad Guuradii Sedaxaad markii dhidibada loo taagay Idaacadda Goobjoog.

Sanadka markii uu ahaa 2012 maanta oo kale ayeey Idaacadda Goobjoog hawada kusoo biirtay, waxaana mudadii ay shaqeynaysa ku tallaabsatay horumaro badan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabada munasabad loogu dabaal degayo Sanad guuradaan, taasi oo dad marti sharaf badan lagu casuumay.

Maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Goobjoog, waxa ay hambalyo u dirayaan dhammaan dhageystayaasha Idaacadda, maalintaan awgeed.

Goor dhaw la soco wax qabadka Goobjoog

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha