U bood dhigaalka

Goobjoog News oo Warbixin Dheer Ka Sameysay Caruur u Dhimatay Sun La Mariyay Jirkooda

Sheeko:Dalka

Geerida afarta caruurta ah ee sunta u geeriyootay waxaa ay dareen gaar ku beertay Soomaalida, Goobjoog News ayaa dhacdadan kadib dhinacyo badan la xiriirtay si dadka looga wacyigaliyo qatarta suntan jirka la marinayo ama daawada aanu dhakhtarka soo qorin.

Maxamud Sheekh Xasan oo ah Madaxa Kontoroolka iyo qiimeynta hay’adda musiibooyinka qaranka oo Goobjoog news wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay in dalka aanu laheyn waxa loo yaqaano quality Control ama hubinta dawada iyo biyaha inataba.

Maxamud Sheekh ayaa ku taliyay in la hubiyo daawada dalka soo galaya iyo soo nooleynta kaabayaasha iyo Isbitaalladii Caruurta u gaarka ahaa sida Banaadir iyo SOS.

Maxamud Sheekh Xasan ayaa sheegay in waalidiinta ay u baahan yihiin wacyigalin dheeraad ah si ay u ogaadaan xuquuqda ay ku leeyihiin caruurta sida daaweynta  saxda, isagoo arrintaas mas’uuliyadeeda dusha ka saaray Wasaaradda Caafimaadka.

Dr Yaxye oo ka tirsan oo dhakhaatiirka Muqdisho, kuna xeeldheer cudurradda caruurta oo isna Goobjoog News u waramayey ayaa waalidiinta ku waaniyay in ay ka taxadaraan Kiimikada, Dawada iyo Sunta guriga taallo, in caruurta aan meel mugdi ah daawo lagu siin si aan labo daawo la isugu qaldin, isagoo daaweynta caruurta ku sheegay mid ka mid lixda xuquuq ee caruurta waalidka ku leeyihiin.

Dr. Yaxye waxaa uu Goobjoog news u sheegay in Kiisaskan sunta ah gaar ahaan sunta dadka la mariyo daawo ahaan ay ku soo laablaabtaan Isbitaalka, isagoo intaa raaciyay in ay haboon tahay in loo istaago wacyigalin dhan walbo ah oo Warbaahinta ay ku jirto.

Ugu Dambeyntii waxaa Goobjoog news la hadlay guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad isagoo wax laga naxo ku tilmaamay geerida caruurtaas.

Sheekh Bashiir waxaa uu soo jeediyay in dawada caruurta ama dawada la siiyo banii’aadamka guud ahaan  loo baahanyahay in la weydiiyo dadka yaqaano ama Dhakhaatiirta  ku takhasusay arrinkaas,  ee aan caruurta  la siin daawo dhaqameed aan la aqoon meel ay ka timid isagoo ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo gargaaro waalidiintii ay ubadka ka geeriyoodeen.

Subaxnimadii Khamiistii November 19, 2015, waxaa Xaafadda Carafaat degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday afar caruur oo walaalo ah ka dib sun la mariyay jirkooda.

Goobjoog News