Goobjoog oo Heshay Warbixinta Rasmiga ee Qaraxii Zoobe, Maxay Ka Gaabiyeen Farmaajo iyo Kheyre?

Maanta oo kale, muddo 3 sano laga joogo, October 14, 2017-kii, waxaa isgoyska Zoobe, degmada Hodan ee Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa Afrika kaas oo ay ku dhinteen inta xogtooda qorallada rasmiga ah lagu sheegay ilaa 587 halka in 300 ka badan ay ku dhaawacmeen.

Haddaba, 3 sano kadib, Goobjoog News ayaa heshay document muujinaya sida ay wax ku dhaceen, waxyeellada, gurmadka sida uu ahaa iyo waxii la qabtay iyo wixii laga gaabiyey.

Warbixinta aan heyno waxaa ku cad in Farmaajo aanu fulin ballantii aheyd inuu wax u qabanayo dadka ay qaraxyada helaan, waxaana xogta aan helnay ee rasmiga ah ku qoran sidan “ Dadka leh hantida ma guurtada ah iyo heyadaha aan dowliga ahayn ee hantidoodii ku waayey qaraxa Soobe waxba looma celinin”.

Halka xukuumadda Xasan Kheyre ay qalalaaso gashay markii ay magacawday “Guddiga Taakuleynta iyo Tabarucaadka ee Gurmad qaran” Oktoobar 19, 2017, guddiga oo ka kooban 11 xubnood (8 rag ah iyo 3 dumar ah) ayaa waxaa ay durba isku dhaceen, kana horyimid wasaaradda gargaarka oo shaqadeedii lala wareegay tiiyoo keentay iney iscasisho November 15, 2017 wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed.

Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Waxaan xilkeyga uga tagay, waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga Institution si looga shaqeeyo Ayaan aqaanna, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakin shaqada marka ay isbarbar yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn, micnaha confusion badan ayaa laga qaadayaa,.. dowladeyda mucaarad kuma ahi, laakin duruuftan isbarbar yaaca ah waxaa igu adkaatay in aan ku shaqeeeyo”.

Guddigan la magacaabay, inkasta oo umadda loo sheegay qaraxii October 14, hadana waxaa mas’uul looga dhigay iney lacag u aruuriyaan dad ku geeriyoodey seddex qarax oo gaarayey 656 qofood:- 587 waa KM5, halka tirada NH2 ka ahayd 46 iyo tirda Dugsiga Sare ee J. Kaahiye ay ahayd 23 qofood.

Qaraxa Zoobe, dadka waxyeellada soo gaartay ayaa kala ahaa (B) Warato iyo muruqmaal, (T) Albaabley (dadka kireysta goob ay ku ganacsadaan), (J) Gaadiidlay oo u kal baxda: (bajaaj, taxsi, Bl, gaari xamuul ah) iyo qaar kale.

Muddo 5 bil ah oo guddiga shaqeynayey waxaa soo gaarey deeqo isugu jirey lacag, agab caafimaad, raashin, iwm. Guddigu wixii aan ahayn lacag wuxuu ku wareejiyey heyadaha dowladda ee u xilsaaran adeegaas.  Dhaqaalaha soo gaarey guddiga gurmadka wuxuu ahaa 4,402,684.63 Million oo Doolar, lacagtaas waxaa bixiyey shacabka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad joogay halka Jabuuti ay ku tabarucday hal milyan oo doolar iyo dowladda federaalka ah oo ku dartay milyan oo doolar.

Lacagaha ayaa kusoo dhacay: Dahabshiil Bank: 333,064.82, Salaam Bank: 2,211,318.87,  premier Bank: 72,309.50, Amal  Bank: 742,082.44, IBS  Bank: 37,692.00, Central Bank: 1,000,000.00, Sahal A/C  : 5,312.00  iyo Go Fund  : 905.00.

Sida ku qoran qoraalka rasmiga ah, tirada guud ee dadka loo gurmadey waxay gaareen 3,356 kuwaasoo isugu jira eheladii dadka geeryoodey, dhaawaca iyo agoonta oo heleen adeegyo kala gedisan sida Samir siin waalidka/dabshid iyo daweyn dhaawaca iyo daryeel carruurta agoontowdey.

Dadkaas laga geeriyoodey waxay isugu jireen waalid waayey ubadkoodii biili jirey oo gablan ah, kuwo cudurro daashadeen laguna dayacey, islaamo asaay sida oo carruur fara badan haysta. Waalidka ubadkii ka geeriyoodey aysan u reebin ubad waxay guddiga siiyeen min kun dolar qoyskiiba (300 markii hore la siiyey iyo 700 dolar gadaal laga siiyey), halka waalidka ubadkoodii geeriyoodey ay ifka ku dhaafeen tiro carruur ah laga siiyey min $300 oo kaliya.

Sida qoran warbixinta,  Carruurta agoonta ah ee la diiwaangeliyey waxay gaareysey 1,398 da’dooduna waxay u dhexeysaa hal bil jir iyo 14 jiro, qaar hal waalid ka geeriyoodey iyo qaar labadii waalid ka geeriyoodeen, qaar waxbaranaya iyo kuwa aan helin fursad waxbarasho.

 99 carruur ah ayaa xilligaas wax baranayey ay guddiga u sheegeen, halka 1,054 carruur aysan waxbaran, waxaana la hubin waayey 294 caruur ah.

Qaar ka tirsan xubnihii guddiga oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney jireen balanqaad waxbarasho oo caruurta agoonta ah uga yimid  Qater Charity(500), safaaradda Imaaraadka(300) iyo iyo Guddiga gargaarka Afriga(150) halka kuwa haray loo bandhigay dowladda federaalka ah, taasi oo aan dabagal iyo war laga heyn sida wax looga qabtay mar haddii guddigii iska kala tagay.

Waxyaabaha la diiwaangeliyey waxaa ka mid ahaa dhaawacyo culculus oo xagga dhimirka iyo dareenkaba leh oo soo gaarey dhibanayaasha, baahiyaha ay qabeen wey ka fara badnaayeen, maaheyn wax dhaqaale kaliya lagu dabooli karo ama guddi ku meel gaar ah uu ka soo bixi karo, sugnaan la’aan tirakobka dhibanayaasha iyo arrimo kale.

Guddiga waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in 5 bil ay xogta ku wareejiyeen xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo ahaa mas’uulkii magacaabay iyo gobolka Banaadir isla markaana wixii gaabis ah ay tahay in iyaga la weydiiyo. Waxaa xusid mudan in ra’isul wasaarihii xilligaas iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir labada shaqada laga ceyriyey.

Ugu dambeyntii, waxaa isweydiin mudan halka ay ku dambeeyeen talooyinkii guddiga oo ay ku jireen:

  1. In la xoojiyo Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyinka loona dhammeystiro agabka, shaqaale tababaran si ka hortag, ka jawaabcelin iyo soo kabashaba ay u siin karto dadka masiibooyinka wax ku noqda Alle naguma keenee.
  2. In degdeg loo abuuro sanduuq dhaqaale oo lagu daryeelo carruurta ku agoontowda colaadaha, abaaraha, qaraxyada iyo masiibooyinka kale.
  3. In la maalgeliyo canshuur dhaaf lix bilood ah loo sameeyo ganacsatada aagga Soobe si ay dhaqso uga sookabtaan burburkiihantiyeed ee soo gaarey.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Close
Close
Goobjoog

FREE
VIEW