Goobjoog Oo Ogaatay Sababta Ay Dowladda Turkiga Uga Baaqatay Shirkii OIC Ee Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka baaqday shirkii shalay sabtidii ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC)  sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi .

Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in wasiir Mevlut Cavusoglu  uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii ay Villa Somalia taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho.

Warqad ay heshay Goobjoog News oo soo baxday October 15, 2018, loona diray xogheynta ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  waxaa ku qorneyd in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu  uu  tagayo shirka Muqdisho ee October 27, 2018.

Go’aanka wasiirka Turkiga waxaa uu beeninayaa hadalka Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad kaas oo shalay sheegay inuu Mevlut Cavusoglu  u baaqday sabab la xiriirta shir ku saabsan Suuriya, uu isaga shir guddoominayey.

October 15, 2018, Dowladda Federaalka ah ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney diideyso in dhib la gaarsiiyo Sacuudiga, Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.

Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

  1. Farmaajo the autistic doesn’t even realize his government made a major mistake by siding
    with the Saudis against Turkey and Qatar.

    He does not know which side his bread is buttered on.

    Fist he offended the Saudis and the Emirates. Now he is offending Turkey and Qatar.

    He is thus left with no friends and many enemies.

    Besides, his internal foes have united to topple him.

    He is standing on his last broken leg.

    Good riddance, Mr. autistic drug addict!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW