U bood dhigaalka

Goodax: Maamulka Laga Dhisayo Jowhar Waa Mid La Damacsan yahay In Xildhibaanno Lagu boobo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay goobjoog News ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanka Baladweyne ay go’aan ku gaareen iney sameeyaan maamul Hiiraan u gaar ah, shirka maamul sameynta ee Jowhar ka socdana waxa uu ku tilmaamay mid la doonayo in  xildhibaanno lagu boobo oo kaliya ee aanuu niyad wanaag ku jirin.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn faahfaahiyay shir ka dhacay magaalada Baladweyne oo lagu gaaray go’aan maamul loo dhisayo Hiiraan, waxaanuu yiri:

“Maanta waxaa dhacay wax lama filaan aan ahayn laakiin aad iyo aad u quruxbadnaa, qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan oo ku nool magaalada Baladweyne, hadday tahay ugaasyadooda, nabadoonadooda, haddey tahay samadoonada, waxgaradka iyo maamulka gobolka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka iyo dad siyaasiyiin ah oo kale oo aniguba aan ka mid ahaa meeshaas ayaa la iskugu yimid, waxaa laga soo jeediyay khudbado la xiriira maamul u sameynta iyo waxan ay dowladdu tiri maamul baa laga sameynayaa Jowhar, kadib waxaa duubabku go’aan ku gaareen in Hiiraan ay sameystaan maamul goboleed Gaar ah, howshaasna ay ka howlgalaayaan muddo gaaban gudaheed”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid loo dhamaa wax wanaagsanna ay ka soo baxeen:

“Waxaan aniga islahaa cid meeshaa ka maqneyd ma jirto shir aad u ballaaran ayuu ahaa, go’aanka ay gaareen waxa uu ahaa go’aan ay aad u sugaayeen, markaa wax qurux badan ayaan filayaa oo aan goobjoog u ahaa”.

Maamulka hadda Jowhar qabanqaabadiisu ka socoto ayuu ku tilmamay inuu yahay mid loogu yeeray dad ajaanib ah oo dadkii howshaa iska lahaa laga faquuqay, “waa maamul la damacsan yahay in xildhibaanno lagu boobo oo doorashada in dad lagu sameysto loogu talogalay, waa maamul aan ka tarjumeyn rabitaanka shacabka labada gobol, dadbaa wax isku darsadeed dowladi wax ma sameysato”, ayuu yiri xildhibaanku.

Magaalada Jowhar ayaa hadda waxaa si xowli ah uga socda shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelle oo la filayo inuu dhawaan looga dhawaaqo maamul cusub oo ay dowladda federaalku aqoonsan tahay, iyadoo aan la ogayn dhanka kale caqabadda uu keeni karo maamulka cusub ee ay isla meel dhigeen in Baladweyne laga sameeyo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin Hiiraan.

Goobjoog News