U bood dhigaalka

Goolhaye Joe Hart oo qiimo jaban ku iibinaya Gurigii quruxda badnaa ee ugu yaalay Magaalada Manchester… + SAWIRRO

Sheeko:Cayaaraha

Joe Hart ayaa jecel nolosha Magaalada London, waxaana uu qiimo jaban oo dhan 3.69 milyan oo gini ku iibinayaa Gurigiisii ku yaalay Greater Manchester.

Dadka ayaa indhaha kala furay markii Goolhayahan ay heshiis labo sanadood ah kula wareegtay Tottenham, kaddib markii ay iska fasaxday Kooxda Burnley.

Inkastoo 33-sano jirkaan uu ka dambeeyo goolhayaha dooqa koowaad ee Kooxda Hugo Lloris, hadda Hart ayaa bandhig cajiib ah sameeyey markii uu ciyaaray tartammada aan ahayn horyaalka ee laga dhigo dalka Ingiriiska.

Hart might have put son Harlow through his footie training here

Guriga uu iska iibinayo Hart ayaa ka kooban afar dabaq, waxaana uu leeyahay Albaab weyn, lix qol oo jiif ah, todobo musqul iyo jiko cunada lagu karsado oo waasac u ah.

Dadka doonaya inay iibsadaan Gurigaan, waxyaabaha ay ku jecleysanayaan waxaa ka mid ah inuu Gurigani leeyahay meel Shaleemo ah oo aflaamta iyo wax walba lagu daawado, Qol kaliya loogu talo galay in qamriga lagu cabo, qol jimicsi iyo garoon ciyaareed oo bannaanka guriga ku yaala.

Joe Hart might miss this stunning home cinema

Waxyaabaha dadka iibsada Gurigaan ay ku faani karaan waxaa ka mid ah inay haystaan Guriga ciyaaryahanka xulka qaranka England, isla markaana ay ku ciyaarayaan garoonka uu kubadda ku ciyaari jiray Hart.

The wine room, with other alcohol allowed, is a stunning offering

Shirkadda RightMove oo ka shaqeysa Guriyeyna UK ayaa shaacisay sawirrada gurigaan, waxaana ay sharraxday qeybaha uu ka kooban yahay Gurigaan iyo cabirkiisa, iyagoo u sheegtay dadka doonaya inay la soo xiriiri karaan si ay u iibsadaan.

Hart keeps fit in this sizeable gym

Goolhaye Hart ayaa intii uu ka ahaa Manchester City mid aan la loodin karin iyo shabaq ilaaliyaha koowaad ee Kooxda waxa uu kula guuleystay labo horyaalka Premier League ah, laakiin tan iyo waqtigaas ma helin bandhiggiisii sare.

The huge kitchen is classy and modern

There are six bedrooms in the stunning property

There are SEVEN bathrooms - all stunning like this

The property is on the market for just shy of £3.7m

The play room comes with lots of space for toys and gadgets

The property oozes class throughout

Hart ayaa amaah ku bixiyey Kooxaha Torino iyo West Ham ka hor inta uusan si joogto ah uga mid noqon Naadiga Burnley.

Kaddib isagu waxa uu noqday beeca xorta ah ka hor inta uusan ka mid noqon kooxda uu hoggaamiyo Tababare Jose Mourinho ee Spurs.

Joe Hart seems like he is back enjoying his football, when called upon at Spurs

Hart ayaa Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga ku guursaday Kimberley Crew sanadkii 2015, waxaana ay haystaan wiil lagu magacaabo Harlow, iyagoo si wadajir ah u nool.

Gool FM.