U bood dhigaalka

Goolhayaha Kooxda Muqdisho City Club Oo Ku Soo Laabtay Garoomada

Sheeko:Cayaaraha

Goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya iyo naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club Saciid Aweys Cali ayaa ku soo laabtay kooxdiisa,ka dib dhaawac soo gaaray dabayaaqadii 2019 wuxuuna laacibkan ka soo muuqday kulan ciyaareedka lagu xusayay duqii hore Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow waxaana kulankaa wada dheelay kooxaha Muqdisho City Club iyo naadiga Madbacada Qaranka.

 Daawo Goolhaye Saciid Aweys Iyo walaalkiis Oo Sameeyay Bandhig sare

Goobjoog News