U bood dhigaalka

Goorma Ayey Madaxneyaasha Deni iyo Madoobe Iman-doonaan Muqdisho?

Sheeko:Amniga

Waxaa uu dib u dhac ku yimid booqasho lagu waday in maanta ay ku yimaadaan caasimadda Muqdisho madaxweyneyaasha Puntland Saciid iyo Deni iyo  Jubbaland Axmed Madoobe , si maamulka Farmaajo ugala hadlaan arrimaha doorashada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu  saacadaha soo socda dib ugu laabto caasimadda Jubbaland ee Kismaayo halka Deni oo sii joogayo Garoowe.

Madaxweyneyaasha Deni iyo Madoobe ayaa wararku intaasi ku darayaan in aaney meesha ka saarin imaanshiyahooda Muqdisho balse ay dib u dhacday, iyada oo la filayo in mid weliba uu Xamar uga yimaado dowlad goboleedkiisa.

Labada mas’uul ayaa iman-doona Muqdisho si ay Villa Somalia u hordhigaan waxyaabaha wax ka bedelka u baahan ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo la warinayo in mabd’a ahaan ay aqbaleen.

Beesha caalamka ayaa ku jira dhexdhexaadinta labada dhinac, imaanshiyaha Muqdisho ee mas’uuliyiintanna waa miraha dhexgalkaasi.

Goobjoog News