U bood dhigaalka

Goorma Ayuu Furmayaa Shirka DF iyo Dowlad Goboleedyada?

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta lagu wadaa inuu furmo shirka arrimaha doorashada ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo 3  jeer horay u baaqday ay ayaa lagu ambaqaadayaa  natiijadii shirkii Dhuusamareeb 3 iyo wax kabedelkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in aaney jirin khilaaf dhanka furmidda shirka ah iyada oo muran badan uu ka dhalan doono wax ka bedelidda Dhuusamareeb 3.

Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dood ka qaba natiijada Dhuusamareeb 3 iyaga oo doonaya in qodobo badan wa laga badalo sida kaalinta dowlad goboleedyada, ka qeybgalka xisbiyada siyaasadda iyo xataa iney ururka Xaliimo Yarey qabtaan doorashada.

Madasha xisbiyada qaran iyo madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa sidoo kale sheegtay iney ku adkeyneyso shirka in laga heshiiyo waqtiga doorashada inta aan laga hadlin nooca dooraso.

Goobjoog News