U bood dhigaalka

Gorfaynta Sheekada Boojin ee Sakariye Cismaan – Daraama Cajiib ah

Sheeko:War

Waxaa dhowaan gacantayda soo galay Boojin oo ah noofal (novel) aan weli la soo bandhigin xilligan aan sadarradan qorayo. Boojin waa sheeko-faneed. Waa buug qaro weyn oo xagga xajmiga aan waxba ka yaraysan sheekooyinka caalamig iyo kuwa Soomaaliyeed ee magaca dheer, sida Maana-Faay iyo Adeegto. Boojin waa daraama ay dhacdooyinka sheekadeedu ku dul wareegayaan nolosha Yuusuf iyo Muna oo ah atooraha iyo atariishada, ama arbaha iyo qalanjada sheekada.

Qoraaga: Sakariye Cismaan

Xarunta Daabacaadda: Hiil Press

Bogagga: 302

Sannadka Daabacaadda: 2022

Waxaan ka mid ahay dadka qaba in dhaqankeenna sheeko qorista iyo filin jilidduba, iska daa saldhigasho iyo marxalad dhexdhexaad ahe, uusan weli dhaafin marxaladdiisii koowaad ee socodbarashada. Sababta aan sidaas u leeyahayna waa in ummad dhan sheekooyinka ay ilaa hadda qortay faraha lagu tirin karo. Saa daraadeed, Sakariye Cismaan oo ah qoraaga sheekadan wuxuu mudan yahay hambalyayn iyo bogaadin, maaddaama uu tiradii yareyd ee sheekooyinka uu lambar dheeri ah ku biiriyay.

Boojin waa daraama Soomaaliyeed oo mar kaa qoslinaysa, marna ku caloolxumaynaysa. Sheekadu waxay si faahfaahsan uga qisoonaysaa waayaha nolosha Yuusuf iyo Muna oo ah wiil iyo gabar ciyaal Xamar ah, laga billaabo maalinta ay is barteen iyo ilaa inta ay ka mutaan duruufaha iyo imtixaannada ad’adag ee nolosha, aakhirkana ay doonida ay majaraheeda isla hayaan kaga xiraan deked aan hadda kuu qarinayo in baddeedu kacsan tahay ama deggan tahay.

Waxyaabaha soojiidashada leh ee ku saabsan Boojin waxaa kow ka ah sifeynta shakhsiyadda ama jilaaga sheekada, sida waxa uu xiran yahay, waayaha iyo meesha uu ku sugan yahay. Sheeka-faneeddu wax kale ma aha ee waa sawir mala’awaal ah oo laga bixiyo nolosha iyo waayaheeda. Tusaale ahaan, haddii shakhsiyadda ugu weyn ee sheekadaadu tahay gabar yar oo dugsiley ah, waa in ay u ekaataa sida ay u eg tahay gabadha yar ee dugsi Quraanka dhigata ee degaanka aad ka sheekeynayso ku nool. Bal u fiirso sawirkan kooban oo aan sheekada ka soo garoocday. Waa Yuusuf oo xaafaddiisa ka yimid oo raba in uu la kulmo Timajilac oo saaxiibkiis ah, laakiin aanan rabin in Muna ay ku aragto lebbiska uu xiran yahay.

Markiiba [Yuusuf] wuu ka shallaayay, sababtoo ah si wanaagsan oo gabar aad ka heshay lagu qaabbilo uma labbisnayne, macawis dhammaad ah oo uu is lahaa badda haddii lagu soo xado u dhutin maysid, iyo buume [dabagaab] gaboobay, oo aad u dheer, oo markuu macawista soo xayto hoos ka muuqda, buu sitaa. Funaanad qafiif darteed xabadkiisa looga jeedana wuu xiran yahay. Dharka uu gashan yahay oo dhan dacaska ayaa ugu cusub, iyaguna shan kun oo shilin Soomaali ah kaliya bay joogaan oo wax nin weyn uu magaalo ku aado ma aha.”

Sheekadu waxay ku xusuusin doontaa sida ay Xamar u ekayd sannadihii 2000 iyo sida uu hab-nololeedkeedu ahaa. Boojin waxay nooga taariikhaynaysaa khadkii cagaarnaa ee Xamar u qeybin jiray koonfur iyo waqooyi, waayihii dagaal-oogayaasha ee magaalada, jidadkii faraha badnaa ee dhowr iyo toban sano xirnaa oo aan la mari jirin, iyo xaafadihii waaqlaha iyo lamagalaanka ahaa ee laga baqi jiray. Waxay kaloo boojin dib noogu celinaysaa hoteelladii berigaa magaalada ugu caansanaa ee xafladda sannadka cusub, sannad walba lagu qaban jiray. Sheekadu waxay ku dhex geynaysaa hab-nololeedkii barbaarta ee waayadaas. Tusaale ahaan, dhaqanka shukaansiga iyo xiriirka wiilka iyo gabadha u dhexeeya sida uu u ekaa, iyo, sidoo kale, in ay berigaa  tabalcaaradu caadi ahayd. Tabalcaaradu waa in dharka iyo waxyaalaha kale ee la xirto la kala amaahdo, gaar ahaan marka uu qofku rabo in uu xaflad ama aroos ka qeybgalo.

Waxyaabaha kale ee xiisaha leh oo sheekadani leedahay waa af Soomaaliga lagu qoray. Waa af aad iyo aad u sahlan oo aan dhihi karo waa afka maalinlaha ah ee lagu sheekaysto. Kuma badna in aad sheekada ku dhex aragto ereyo adag oo qaamuus kaaga baahan. Waxay kaloo Boojin ku xusuusinaysaa (ama ku  baraysaa haddii aadan hore u aqoonin) erayo ciyaal Xamar oo ay u badan tahay in aadan dhawaanahan maqlin. Tusaale waxaan u soo qaadan karaa: qashqashaad, camirasho, kala fireyn, bartiiro, dibille (nooc baabuurta xamuulka ah oo aan filayo in uu suulay).

Buugga waxaa lagu daabacay xaanshi leh midab caddeys oo aad khafiif u ah, oo run ahaantii isha u roon, marka loo eego xaanshiyaha aadka u cadcad. Tirada bogagga oo ay sheekadu ku qoran tahay waa 300 bog oo wax yar dhiman. Dhanka qoraalka marka loo yimaado, waxaa jira meelo u baahan in daabacadaha xiga marka la soo saarayo la tifaftiro, waana qaladaad aan badnayn oo higgaadda ereyada qaar la xiriira, sida eray shaqal dheer ah oo si shaqal gaab ah loo qoray. Waxaan u badinayaa in ay tahay ilduuf, soo saarista kale ee buugga ayaana taa lagu hagaajin karaa. Sawirka jaldiga buuggu waa isgoyska Soobbe waqti casarliiq ah oo saxmadda baabuurta iyo dadkuba ay yar tahay. Waxaa galbeed ka muuqda iftiinka dahabiga ee cadceedda oo Muqdisho sii sagootinaysa. Waa sawir qurxoon oo Muqdisho oo ah meesha ay dhacdooyinka sheekadu badankooda ka dhacayaan astaan u noqon kara. Sidaas oo ay tahay, waxaan qabaa in qoraaga oo sheekada baaxaddaas la eg allifay uu karay in jaldi (sawir) mala’awaal ah uu khayaalkiisa ka dhalin karay.

Waxaan hubaa in sheekada Boojin ay tahay qaaraan macno leh oo uu qoraageedu, Sakariye Cismaan, ku darsaday maktabadda af Soomaaliga iyo dhaxalka qoraal ee Soomaalida. Waxaan buuggan oo ah curudka waxsoosaar ee Sakariye u rajaynayaa daaddah xasilan, hanaqaad dardar leh, iyo tabargal raandhiis dambe leh oo jiilasha soo socda ay u aayi doonaan.

Shaakir Maxamed Cabdullaahi

Goobjoog News