U bood dhigaalka

Greece Oo Dalkiisa Ka Celiyay Muhaajiriin Soomaali Ay Ku Jiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greece ayaa gacanta ku dhigay dooni ay la socdeen tahriibayaal ay ku jiraan dad soomaali ah.

Doonida ay la socdeen tahriibayaasha ayaa laga qabtay xadka dalka Greece uu la leeyahay dhiggiisa Turkiga, halkaas oo ciidamada ilaalada xeebaha Greece  ay diideen in ay gudaha u galaan dalkooda.

Tahriibayaashan oo kor u dhaafaya 25 qof ayaa waxaa 14 ka mid ah ay ahaayeen rag halka kuwa kale ay isugu jireen Haween iyo carrur.

Ciidamada Greece ayaa markii dambe dib ugu celiyay dalka Turkiga laba doonyood oo ay la socdeen tahriibayaashaan.

Dadka dib loo celiyay ayaa la sheegay in ay dhamaantood ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda Soomaaliya, oo doonayay in ay gariigga ku galaan Tahriib.

Dowladda Greece oo dib u celisay muhaajiriintaan ayaa sheegtay in aysan wax magan galyo ah aysan siin karin Tahriibayaasha dalkeeda soo gala.

Goobjoog News