U bood dhigaalka

Guddi Ka Kooban Labada Gole Ee Dowladda Oo Gaaray B/xaawo Si Ay Usoo Baaraan Xadgudubka Kenya

Sheeko:Dalka

Guddiga ay dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay degmada B/xaawo ee gobalka Gedo ayaa soo ogaanaya darbiga dowladda Kenya ka dhiseyso dhulka Soomaaliyeed ee xiga dhanka degmadaasi.

Waxaa guddigani hogaaminaya wasiirka difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, waxaana ka mid ah mudanayaal ka tirsan Labada gole ee dowladda Federaalka.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in guddigaan oo degmada B/xaawo gaaray ay illaa iyo haatan la kulmeen Odayaal dhaqan, maamulka degmadaasi iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ee Gedo.

Waxay soo indha indheeyeen xadka Kenya iyo Soomaaliya, halkaasi oo maalmihii ugu dambeysay dowladda Kenya ay billawday inay kusoo xadgudubto.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/aadir Sheekh Cali Diini ayaa shacabka ku dhaqan degmada B/xaawo waxa uu u sheegay in marnaba aan la aqbli doonin in dowladda Kenya ay kusoo xadgudubto dhulka Soomaaliyeed islamarkaana ay darbi ka dhisato.

Idaacadda Goobjoog ayaa markii ugu horeysay waxay baahisay 10-kii bishaan xadgudubka dowladda Kenya ay kusoo sameysay dhulka Soomaaliyeed, ayna billawday inay bixiso calaamadihii Xuduudda (Riix halkaan)

Waxay taasi keentay in shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dowladda Federaalka ay si isku mid ah indhaha ugu jeediyay waxa ka socda xuduudda B/xaawo, iyadoo baarlamaanka Federaalkana uu arrimahaasi ka yeeshay kulamo degdeg ah.

Goobjoog News