U bood dhigaalka

Guddi Ka Shaqeeya Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Magacaabay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay cabashooyin ay qabaan odayaasha reer Shabeellaha Dhexe qaarkood, guddi doorasho oo uu magacaabay iyo qodobo kale.

Wuxuu sheegay in ay jiraan odayaal cabasho qaba balse la xalinayo islamarkaana la doonayo in la qabto howsha iminka hortaalla baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ee ah doorashada hoggaanka sare ee maamulka.

“Waxaan magacaabay guddi ka shaqeyn doona doorashada madaxweynenimo ee maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, oo aan rajaynayo in waqtiga loo qabtay aan dib uga dhicin” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddigani ayuu sheegay inay fududeyn doonaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hirshabeelle sida inay diyaariyaan warqadaha doorasho iyo kaararka ay ku codeynayaan xildhibaannada.

Waxaan wax ka weydiinay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle odayaasha qaar cabasho ay qabaan oo ah inay ka gadoodsan yihiin in gobolka Hiiraan ay qaateen guddoonkii baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre ayaa sheegay in cabashadaasi ay xallin doonaan oo ay la fariisanayaan cid walba oo cabasho qabta..

Waqtiga doorashada mar uu ka hadlay ayuu tilmaamay in ay muhiim tahay in waqtigii loo qabtay ay ku dhacdo doorashada sidaasna ay ka shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay baarlamaanka maamulkaasi maalmaha soo socdo ku doortaan magaalada Jowhar.

Goobjoog News