U bood dhigaalka

Guddi ka socda maamulka Khaatumo oo Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Guddi matalaya maamulka Khaatumo ayaa kulan gaar ah la qaatay xubno ka mid ah madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ballan qaad loogu sameeyay maamulkaasi.

Korneyl Maxamed Yuusuf Jaamac (indha sheel) oo ah madaxwaynihii hore ee maamulkaas oo kulanka ka qeyb galay ayaa isaga oo u waramaya Goobjoog FM waxa uu shaaciyay in ay la kulmeen madaxwaynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ballan qaadyo kala duwan u sameeyeen maamulkaasi.

Waxa uu tilmaamay in inta badan kulanka uu ahaa mid loogu mahad celiyay maamulka isaga uu hogaaminayay oo uu xusay in uu u soo dhabar adeegay xaalad o adag oo ka taagneyd deegaanada Khaatumo State intii uu maamulku shaqeynayay.

Maamulka Khaatumo oo dhowaan madaxwayne loogu doortay Cali Khaliif Galayr ayaa ku eedeeya maamulka Somaliland in uu ka haysto dhul ay iyagu leeyihiin.

Dowladii KMG ahayd ee uu madaxwayne Shariif Sheekh Axmed ayaa aqoonsatay maamulka Khaatumo walow mar dambe ay kala laabatay aqoonsiga.