U bood dhigaalka

Guddi ka tirsan baarlamaanka dalka oo ku eedeeyay madaxda dowladda inay iska hor keenayaan shacabka

Sheeko:War

daahir jeesoow

Guddiga Arrimaha gudaha iyo Maamul u samaynta gobollada dalka ee golaha baarlamnaaka federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay inay gaareen go’aano iska hor keenaya qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kana tirsan Guddiga arrimaha Gudaha iyo Maamul u sameynta Gobollada Dalka ayaa sheegay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ay ka soo bexeen Go’aano uu sheegay inay iska hor keenaya Shacabka wada daga Gobollada Dalka.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in aqoonsiga ay dowladdu siisay maamlka Koonfur galbeed ee saddxda Gobol uu yahay mid iska hor keenaya dadweynaha wada daga goboladaasi.

Jeesow ayaa sheegay in ka guddi ahaan aysan ku qanacsanayn dhisidda maamulka saddxda Gobol, waxa uuna ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inaysan iska hor keenin dadka shacabka.