U bood dhigaalka

Guddi Loo Saaray Abaarta Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa guddi u saaray abaarta ka jira deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo taasi oo dad badani saameysay.

Kullan ay isugu yimaadeen Wasiirada Galmudug islamarkaana shir guddoominaayey Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa lagu magaacabay guddi ka kooban Lix xubnood oo wasiirada Galmudug ah, si ay usoo indha indheeyaan deegaannada abaarta ka jirta Galmudug, qiimeyn guudna kusoo sameeyaan dhammaan deegaannada abaartu saameysay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo si kooban saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in wasiirada loo xilsaaray arrintan abaarta ay kala yihiin:-

Wasiirka Wasaaradda Bini’aadannimada iyo naafada

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Wasiirka Wasaaradda Bii’ada, dhirta iyo daaqa

Wasiiradan ayaa laga filayaan inay shiraan, warbixin guudna ka keenaan deegaannada ay abaartu ka jirto islamarkaana ay arrinkaasi go’aan kama dambeys ah kasoo saaraan.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi ayaa sheegay in wasiiradan ay la shiri doonaan hay’adaha samafalka ah si gurmad degdeg ah loo gaarsiiyo dadka ay abaartu ku hayso deegaannada Galmudug.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa xilligaan ka jira abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News