Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho hay’adaha gargaarka safiirada iyo xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo ka wadahadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka B/weyn oo ka barakacay Fatahaadda webiga Shabelle.
Dhanka kale waxaa jiray kulamo uu la qaatay ra’iisulwasaaraha culumo udiinka Soomaaliyeed waxayna ka wadahadleen sidii caawimaad loo gaarsiin lahaa B/weyn.
Guddiga loo xilsaaray arrinta B/weyn ayaa waxaa uu ka koobanyahay 22 xubnood waxaana hoggaamin doona ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Goobjoog News