U bood dhigaalka

Rooble oo Magacaabay Guddiga Amniga Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga munaasabadda Caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho  9 bisha June 2022-ka oo barri bilaan doonta .

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxaana ku wehlin doona 6 xubin oo kale, kuwaas oo laga xusi karo Taliya ciidamada xogga dalka  Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo xubno ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa 15-kii bisha May lagu doortay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xafladda caleemo-saarkiisa lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan madax kale duwan oo gudaha ah iyo kuwa ka imaanaya wadamada saaxiibka la ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

No photo description available.

Goobjoog News