U bood dhigaalka

Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Laga Wacyi Geliyay Tahriibka

Sheeko:Dalka

Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhalinyarada ka wacyi geliyay halista uu leeyahay Tahriibka, kuna booriyay in dalkooda ay ka shaqeystaan.

Gudoomiye ku xigeenka guddigaasi xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka hadlayay kullan uu soo qabanqaabiyay baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay leeyihiin dhalinyarada.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in wadanka waxa uu maanta u baahan yahay inay yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed, islamarkaana iyaguna laga doonayo inay ku dadaalaan sidii ay dalkooda uga shaqeyn lahaayeen horumarkiisa.

Dalxa ayaa tilmaamay in ay jiraan dhalinyaro badan oo dalkooda ka cararay, hadane dhibaato kula kulmay meelihii ay aadeen, sida dil, dhaawac ama in la xiro.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed aad bay u dhibban yihiin, qaarkood waxaa lagu xirxiray wadamo badan oo caalamka ah, kuwo waxay ku dhamaadeen saxaharaha iyo badda, laakiinse aniga waxaan qabaa in dhallinyarada ay yihiin muraayaddii dalka” ayuu yiri Dalxa.

Ugu dambeyn Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in dhalinyarada ay dalkooda ku joogaan, islamarkaana ay ka shaqeystaan barwaaqada dalkooda taalla.

Goobjoog News