U bood dhigaalka

Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Federaalka oo ku eedeeyay hay’adda Dabagalka Qaramada Midoobey inaaney Ogoleyn Qaran Soomaaliyeed oo Cagihiisa isku Taaga

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa Monitoring Group ku eedeeyay  warbixinnada ay Soomaaliya ka gudbiyaan ay yihiin kuwo dacaayad ku saleysan, isla markaana inaaney ogoleyn qaran Soomaaliyeed oo cagihiisa isku taaga.

Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ” anagga kooxaha  isku magacaabay Monitoring Group ama heblaayo Watch, waxaan u naqaannaa kuwo dowladnimada Soomaaliyeed kasoo hor jeeda oo aan dooneyn in dalkaas iyo dadkiisa ay nabdoodaan, oo ay horumar gaaraan, oo ay soo ceshtaan karaamadooda iyo sharaftooda, isla markaana qaran Soomaaliyeed oo cagihiisa isku taaga aanay ogoleyn, haday noqon lahayd dhinaca siyaasadda, ama dhinaca amniga iyo ciidan, ama ha noqoto dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada inta waxaad moodaa in Soomaaliya ay iyagu u noqdaan meeshii Soomaaliya loo soo marinayay waxwalba si ay noo maamulaan, waana wax ay horey u barteen,  Soomaaliyana in muddo ah ay iyagu maamulayeen iyagoo sheeganaya ururro dowli ah ama kuwo gobol”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, warbixintoodu si kastaba ha ahaatee waxay doonayaan iney Soomaaliya ku hayaan dulli iyo ihaaneysi.

Dadkeenii adduunka meel kasta oo ay joogaanba waxaa laga dhigay dad horor ah oo aad mooddo habdhaqankii bani’aadamnimo wax ka badalan iney sitaan, waxaana sabab u ah warbixnada foosha xun ay ka qorayaan dadka Soomaaliyeed iyo tilmaamaha khaldan ee dadkeena  diinteena iyo dalkeenaba saameynta ku leh oo ay adduunweynaha u gudbinayaan.

Ugu dambeyn kulmo iyo mudaharaadyo looga soo hor jeedo kooxda dabagalka Qaramada Midoobay ayaa Muqdisho ka dhacay 27 Marso, kuwaas oo looga soo horjeedo dacaayadaha ay mar waliba ka fidiyaan xayiraadaha hubka ee Soomaaliya iyo dadka wax galka u ah Soomaaliya.