U bood dhigaalka

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Maanta Lagu Dhawaaqay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kullan ballaaran, kaasi oo lagaga dhawaaqay guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Kulankaan oo daba socda kulankii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa maanta waxaa si rasmi ah lagu sheegay in guddigan uu yahay midka u gurman doona shacabka Soomaaliyeed ee ku dhiban Yemen iyo Kenya, haba ugu horeysee shacabka ku dhiban dalka Yemen oo dagaallada ka socdaan.

Xubnaha guddigan la magacaabay ayaa ka kooban 13- waxaana ay isugu jiraan Culumo, ganacsato, ururada Bulshada iyo sidoo kale qaar ka mid ah ururada haweenka, waxaana ay kala yihiin sidan:-

  • SheekhNuur Baaruud Gurxan
  • Sheekh Yuusuf Cali Caynte
  • Cadiqaadir Gacal Abkow
  • Batuulo Sheekh Axmed Gaballe
  • Jawaahir Baarqab
  • Sahra Maxamed Axmed
  • Cabdikariin Gabeyre
  • Cabdirashiid Il-qeyte
  • Cabdullaahi Axmed Shirwac
  • Shuceyb Sheekh Cabdiladhiif
  • Sheekh Aadan Sheekh Cilmi
  • Sheekh Bashiir Axmed Salaad
  • Caasho Shaacuur Ugaas

Maalinta berri ah ayaa xubnahan waxa ay yeelan doonaan kulan kale, waxaana sidoo kale la filayaa in guddiyo kale oo hoostaga guddigaan lagu dhawaaqo.

Goobjoog News ayaa 23-kii April sanadkaan 2015-ka waxa ay ku dhawaaqday Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo lagu bararujinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

IMG_2154 IMG_2147 IMG_2144 IMG_2143 IMG_2142 IMG_2141 IMG_2140 IMG_2135 IMG_2134 IMG_2133 IMG_2132 IMG_2130 IMG_2129

Goobjoog News