U bood dhigaalka

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaliyeed Oo Maanta Shacabka Kala Halaya Idaacadda Goobjoog

Sheeko:Dalka

Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay mar kale kala hadlayaan shacabka Soomaaliyeed si gurmad loogu sameeyo Soomalida ku dhibban Yemen.

Gudoomiyaha Guddigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo xubno kale oo guddiga ka mid ah ayaa shacabka la hadli doona, waxaana bilaaban doona yabooha shacabka Soomaaliyeed.

Guddigan ayaa markii Afaraad soo fariisanaya Goobjoog News si ay bulshada Soomaaliyeed uga uruuriyaan Yaboohooda, waxaana 18-kii May ay ahayd markii ugu horeysay oo shacabka kala Hadlaan Idaacadda Goobjoog.

Dhageystayaasha Goobjoog ee dal iyo dibadba ku sugan waxa ay kasoo qeybqaadan karaan barnaamijkaan si ay walaalhooda Yemen ku dhibban ay ugu yaboohaan wixii ay awoodaan.

Waxaad lacagta lagu shubi karo

  • Accountiga Salaama: 30581283
  • Accountiga Dahabshiil: MQD 0028404
  • Telefoonada EVC-da ah: 0617885353
  • Amal: 60816
  • Hodan: 1133
  • A.Bank: 252

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

 

Taleefanada ay dadka naga soo wici karaan

Taleefanada Ganacsatada: 0616564444

Dadweynaha: 0615525758

Dadka dibadda: 0617073557

 

Goobjoog News