U bood dhigaalka

Guddiga Cusub ee Rugta Ganacsiga oo Shaqa Bilaabay

Sheeko:Ganacsiga

Guddiga kumeel gaarka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha ee uu dhawaan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu magacaabay sidii  ay u sii wadi howlaha rugta ayaa kadib kulan ay ku yeesheen magaalada muqdisho Bilaabay shaqadooda.

Shirkan ay isugu yimaadeen  xubnaha kumeel gaarka ah guddiga Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxa ay sheegeen in ay dar dar gelin doonan howlaha loo igmaday .

Qoraal ka soo baxay ayaa Sidoo kale waxaa ay ku sheegeen in kulanka kaga hadleen  sidii loo soo dhisi lahaa nidaam iyo maamul hufan oo ay yeelato Rugta ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed, iyada oo laga wada qeyb-gelinayo taladeeda dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddiga Kumeel Gaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.