U bood dhigaalka

Guddiga Dabagalka Tacaddiyada Maxaabiista Oo Eedeyn u Soo Jeediyay Xeer Ilaalinta Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga dabagalka tacaddiyada maxaabiista ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inay soo gebagabeeyeen baaris ay ku hayeen xaaladda maxaabiista ku xiran xabsiyada Muqdisho, waxayna sheegeen iney soo arkeen maxaabiis aan la xukumin oo in muddo ah xabsiyada ku jirta iyagoo Mas’uuliyadda dusha uga tuuray xeer ilaalinta dalka.

Guddigan ayaa waxay si gaar ah u bartilmaameedsanayeen dhowr xarumood oo la sheegay iney tacaddiyo ku haystaan maxaabiista, loolana dhaqmo si ka baxsan habka barista iyadoo la sheegayay iney jiraan maxaabiis aan la maxkamadeyn muddo dheerna ku jirta xabisyada dalka.

Xarumihii ay kormeerka ku sameeyeen waxaa ka mid ahaa, Nabad sugidda, CID,  iyo xabsiga dhexe ee Xamar, xarumahani ayaa ah kuwa ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista ay gacanta ku heyso dowladda federaalka.

Guddigan ayaa ka kooban toban xubnood oo ka kala socda afar guddi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka,  oo ah Guddiga xuquuqul- insaanka, guddiga arrimaha gudaha iyo amniga, guddiga cadaaladda ee baarlamaanka iyo guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa.

Guddoomiyaha guddiga  Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa sheegay intii ay ku guda jireen howsha baarista inay la kulmeen dad la soo xiray oo aan wax maxkamad ah la soo marsiin, illaa haddana xabsiyada ku jira, waxa uuna sheegay iney jireen dad muwaadiniin ah oo kormeerkii ay sameeyeen sababtii xorriyadoodii ku helay oo la sii daayay.

“Meelaha aan kormeerka ku marney guud ahaan waa nalaga soo dhaweeyay, dhaliilo wey iska jiraan, xagga garsoorka ha ugu badnaato, waxaanse rajeynayaa qoraalka aan sameyn doonno ee aan xaaladda kaga warameyno ayaan ku caddeyn doonaa wixii aan xabsiyada kala kulanney ” ayuu yiri xildhibaan Boqorre.

Xildhibaanka ayaa ka warbixiyay xaalka xabsiga dhexe iyo waxyaabihii uu guddigu ku soo arkay marka uu barista ku sameeyay; waxa uu yiri ” madaxdii aanu u tagney aad ayay noosoo dhaweeyeen si fiican ayay noola shaqeeyeen, wax alaaliyo wixii aan ka dooneynay iyo goobtii aan doonno inaan baarno aad bey noogu fududeeyeen, xabsigu dhowr qeybood ayuu ka kooban yahay, dadka ku xidhina dad xukuman wey jireen, dad aan xukuneyn wey jireen, waxaan ku soo aragnay dad aan xagga maskaxda ka fayoobeyn oo dad waalan aan ku tiriney baa meesha ku jiray, dadkaas xaaladahoodu aad ayay u kala duwanaayeen, laakiin markii aan xog wareysaney taliyaha xabsiga, waxaa naloo sheegay in guud ahaanba dadka kiisaskooda waxaan u arkeynay in mas’uuliyaddaas ay leeyihiin xeer ilaalinta”.

Guddiga ayaa la magaacaabay 4 Marso, waxa uuna ka dhashay kulan xog wareysi xaaladda dalka oo dhex maray  xildhibaanno iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku kulmay xafiiska guddoomiyaha baarlmaanka ee Villa Hargeysa 21 Febraayo, kulankaas oo uu ka soo baxay in la diro guddi xaqiiqo raadin ah oo u kuur gala xaaladda xabsiyada dalka iyo tacaddiyo xoogan oo la sheegay iney ka jiraan, guddigan oo soo gabagabeeyay kormeerkiisa ayaa dhawaan la filayaa in uu warbixintiisa horgeeyo baarlamaanka federaalka.

Goobjoog News