U bood dhigaalka

Guddiga Dib U Eegista Dastuurka Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub

Sheeko:Dalka

Aqalka sare ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Midowga yurub, kaasi  oo qaabilsan arrimaha Dastuurka, wafdigaan ka socday Midowga yurub ayaa ka koobnaa Shan xubnood .

Socdaalka Wafdiga ayaa salka ku hayey in ay ogaadaan halka ay marayaan howlaha dib u eegista Dastuurka.

Kulanka marka uu soo dhaamaday waxaa faahfaahin ka bixiyey Guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa uuna yiri.

“Waxaa maanta noo yimid wafdi ka socda Yurub oo qaabilsan arrimaha dastuurka waxaa ay daneynayeen inay ogaadaan meesha ay mareyso dib u eegista Dastuurka”.

Axadda Berri ah, ayaa  lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shir lagu daah-furayo ololaha dib u eegista dastuurka KMG ah.

Shirkan oo socon-doonna 3 maalin, waxaa ka qeybgalaya tiro ahaan dad  ka badan 350 qof oo ka kala socda dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News