U bood dhigaalka

Guddiga Dib U Hishiinta Gobalka Gedo Oo Xal Ka Gaaray Arrinta Gobalka

Sheeko:Amniga

Guddiga dowladda soomaaliya u xilsaartay dib u heshiisiinta gobalka Gedo ayaa magaalada garbahaarrey ku soo gaba gabeyay howlaha dib u hishiisnta arrinta gobalka Gedo.

Xubnaha guddigan oo uu hor boodayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kulan ay magaalada garbahaarrey kula qaateen odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo dhalinyarada gobalka waxa ay ku shegeen in dhammaan la xaliyay tabashooyinkii gobalka ka taagnaa.

” Ma aheyn in garbahaarrey wax kale kaga duwan tahay deeganada kale ee doorashada loo asteyay in ay ka dhacdo, laakiin waxaan isla ognahay in ay jireen xasaasiyaas siyaasadeed, in ay jireen dadkii kuraastaas ay doorashadoodu wada quseysay say oo wax un siyaasad ah ay kala dhax galeen, shaqadeenuna waxa ay aheyd in aan cid waliba la hadalno oo kala hadalno sidii loo xalin lahaa tabashada” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland.

Goobjoog News