U bood dhigaalka

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Oo Sheegay In La Dayacay Shacabka Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya oo safar ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in la dayacay shacabka magaalada Marka.

Gudoomiyaha guddigaasi Xuseen Carab Ciise oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in magaalada ay amni darro baahsan ka taagan tahay sidoo kalena degmada ay tahay go’doon.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in shacabka ay la kulmeen kana dhageysteen dhibaatooyinka ay qabaan.

“Xaalad aad u fool xun ayaa ka jirta magaalada, hay’ado amni malahan, ciidan 15 aan ka badneyn baa jooga, mana jiro maamul shaqeynaya, ciidan badan oo Federaal ah ma jiro, shacabk, Shabaabkii baa wada deggan magaalada, AMISOM iyana dhinac bay ka degan tahay, dhibaatada ugu daranna shacabka ayeey haysaa” ayuu yiri Gudoomiye Xuseen Carab.

Waxa uu gudoomiyaha sheegay in mudadii ay joogeen magaalada Marka ay indha indheeyeen sababta keenaysa in la weeraro AMISOM iyo sidoo kale dhibaatada shacabka lagu hayo.

“Dhibka ugu weyn ee Marka waa in shacabkii iyo AMISOM aanba loo dhaxeyn, ma jirto ciidan Booliis ah oo la shaqeynaya shacabka una dhaxeeya iyaga iyo AMISOM, Madaxweynihii Koonfur Galbeed ayaan isla soconnay, waxaana uu ballan ku qaaday in arrintaasi dhanka maamulka isbedal degdeg ah ka keeni karo” ayuu yiri Xuseen Carab.

Guddiga Difaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku daba jira falal AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in askar AMISOM ah oo ku sugan magaaladaasi loo xiray falalkii shacabka lagu laayay.

Goobjoog News