U bood dhigaalka

AMISOM Oo Wax Laga Weydiiyay Tacaddiyo Lagu Eedeeyay Askartooda

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay Danjiraha Midowga Afriga ee Soomalaiya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil.

Xuseen Carab Ciise oo ah gudoomiyaha guddiga difaaca ee Baarlamaanka ayaa kulankaan shir gudoominayay, waxaana xubnaha ay la kulmeen ay wax ka weydiiyeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay oo ciidamo ka mid ah AMISOM ay ka geysteen deegaanno ka mid ah gobalada Shabellaha Hoose, Hiiraan iyo Bakool.

Sidoo kale xubnahaan ka midka ah AMISOM ayaa wax laga weydiiyay halka uu marayo howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee sida wadajirka ah u wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Gudoomiye Xuseen Carab oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la’isku af gartay in Labada dhinac guddi isku dhaf ah loo xil saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyay ciidamada Cidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa 9-kii bishaan waxa ay dad shacab ah ku dileen deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan, iyadoo ay ka horeysay dhacdooyin kale oo askar ka mid ah AMISOM ka geysteen deegaanno kale oo gobalada dalka ka mid ah.

Goobjoog News