U bood dhigaalka

Guddiga Doorahsada Oo Shahaado Siisay Taliya Weli Shaqada Ku Jira

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashooyinka galmudug ayaa maanta bixiyay qaar ka mid ah shahaadooyinka musharaxnimada xildhibaanada golaha shacabka.

Kuraasta musharixiintooda maanta shahaadada la siiyay ayaa waxa ka mid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026.

Musharixiinta shahaada qaatay ayaa waxaa ka soo dhax muuqday Taliyaha kumeel-gaarka ah ee Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Yaasin Fareey oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#67, oo muran badan muddooyinkii la soo dhaafay uu ka taagna.

Durba waxaa soo baxaya dhaleeceyn iyo eedeyn loo jeedinayo guddiga doorashiinka, kuwaas oo lagu eedeyay in ay sifo aan waafaqsaneyn heshiiskii dorashada iyo shuruudaha musharixiinta kuraasta golaha shacabka  oo horay guddiga FEIT u soo saareen 17 Augusto ee sanaadkaan taas lagu cadeeyay shuruudaha laga rabo musharixiinta isku soo taageysa kuraasta golaha shacabka.

Doodda ayaa ka dhalatay shahaada la siiya Yaasiin Fareey oo ah taliyaha NISA, taas oo sida ku cad shuruudaha musharixiinta guddiga horay ay u soo saareen ka hor imaaneysa.

Guddiga doorashada ayaa horay u shaaciyay in shuruudaha laga rabo musharixiinta ay ka mid yihiin, In saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee qaranka haddiui ay tartamayaan looga baahan yahay in xilkooda ay iska casilaan muddo seddax todobaad ka hor ah inta aan la diiwaan gelin.

Yaasin Fareey ayeey xusid mudan tahay sidoo kale in uu ka mid ahaa xubno NISA ka tirsan oo lagu tuhunsanaa dilka Sarkaalad Ikraan Tahliil balse xeer ilaalinta ciidamada ay beri yeeshay shalay, xilli ay waalidiinta Ikraan ay sheegeen in ay natiijada soo baxday ay tahay mid aysan ku qancin,

Hoos ka akhriso shuruudaha musharixiinta golaha shacabka