U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada 2016 Oo Ku Dhawaaqay Xilliga Ay Dhacayaan Doorashooyinka Dalka

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka dadbadan ee 2016 ayaa goor dhow waxa uu ku dhawaaqay xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada dadban Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 25-ka September ay dhici doonto doorashada doorashada xubnaha aqalka sare, halka 24-ka illaa 10 October ay dhici doonto doorashada xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la dooran doonaa 25 October 2016 iyadoo madaxweynaha la dooran doono 30 October.

5-tii bishan waxaa magaalada Muqdisho  kulan uga furmay madasha Wadatashiga qaran waxayna ka shireen arrimo la xiriira doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka.

War-saxaafadeed

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News