U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Dadban Iyo Galmudug Oo Ka Shiray Arrimaha Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Heer federaal Cumar Maxamed Cabdulle ayaa maanta gaarey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado.

Soo dhoweyn kadib wafdigan ayaa kulan la qaatey madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, waxaana ay ka wada hadleen arrimo la xiriira dardargelinta doorashooyinka ka socda Cadaado.

Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle oo saxaafadda la hadlay kulankaasi kadib ayaa sharaxay ulajeedka ay u tageen Cadaado, isaga oo tilmaamey in halkaasi u tageen sidii ay u eegi lahaayeen hannaanka ay u socoto doorashada aqalka hoose.

“Socodkeena waa in wixii dhaliilo ah ee jira aan iska wareysanno, kadibna qeybaha ay quseyso ka fariistaan, ayna go’aansan doonaan  iney saxaan wixii sixid u baahan, booqashadaan waxaa kasoo bixi doona waxyaabo badan oo lagu soo dhiirigeliyo wixii wanaagsanaa ee horey u qabsoomay, waxaan u mahadcelineynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed oo xaalad adag ku shaqeynaya” ayuu yiri guddoomiyaha.

Maxamed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay iney jiraan tabashooyin badan iyo dib u dhac howlaha doorashooyinka Galmudug, balse dhowaan ay soo gebogebeyn doonaan doorashooyinka iyo tabashooyinka jira.

“Shaqooyinka aan qabannay dad badan baa marqaati ka ah, in badan baan kala xallinay, waana wadnaa kala xallinta, waxaan rajeyneynaa in  maalmaha Isniinta ama Talaadada aan soo gebogebeyno doorashooyinka ka socda Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Doorashada aqalka hoose ayaa ka socota magaalooyin dhowr ah oo dalka ka tirsan, waxaa la doortey inta badan xildhibaannada aqalka hoose, iyadoo kuwo kalena ay harsanyihiin.

Goobjoog News