U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Dadban: Meesha Ka Muuqo Ama Ka Maqnow

Sheeko:Dalka, War

Meel ama ka muuqo ama ka maqnow, waa oraah Soomaaliyeed oo dad badan aaney la jaan-qaadi Karin, arrimaha doorashada ee sanadkan, waxaa imtixaankii ku dhacay madasha hoggaanka qaran, maamul goboleedyada iyo xitaa beelaha Soomaaliyeed, guddiyada doorashada dadban ee heer federal iyo midka dowlad goboleedba dhibaato ayaa heysata,  waxaa ay ku guul-dareysteen ilaa iyo hadda xakameynta waqtiga doorashada dadban.

Arbacadii waxaa ay guddiga doorashada dadban labo maalin u qabteen maamul goboleedyada  dalka in ay soo gudbiyaan liiska murashaxiinta aqalka sare kadib markii 5-ta bisha lagu guul-dareystay, ilaa iyo hadda waxaa liiska soo gudbiyay 4 maamul oo ka mid ah 6-da maamul ee dalka ka jirta, haweenka waa 20% liiska la soo gudbiyay,  shaqada guddiga doorashada waa 50%, Somaliland iyo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe howshooda ma soo dhawa!..

Arrinta kale oo guddiga doorashada dadban wadno xanuun ku noqon doonta ama aaney rabin in la xasuusiyo waa in Berri oo isniin ah October 10, 2016-ka laga sugayo in la soo gudbiyo liiska magacyada ergada doorasho ee golaha shacabka oo dhameystiran…….

Doorashada sanadkan waxaa nuxurka ka qaaday mar-marsiyo joogto ah, maamul hebel ayaan diyaar aheyn, qolo hebel ayaa xanaaqday, liis-ka maamulkaas ma heyno, Lacag ayaan oolin iyo sababo kale oo ku tusinaya in guddiga doorashada dadban aanu gacan adag ku dhigi Karin doorashada.

Qofka guddiga noqonaya waxaa ay aheyd in uu aqoon u leeyahay nidaamka doorashooyinka, yaqaanno xuquuqda guddiga doorashada,  arrimaha maamulka dadweynaha ama arrimaha bulshada rayidka, kasmooyinka culuumta siyaasada iyo maareynta arrimaha bulshada, maamulka dawlada iyo xiriirka caalamiga ah.

Guddomiyaha guddiga waxaa laga rabay in uu shaqo ka dhigto hagida iyo u kuurgelidda qorshe hawleedka guddiga iyo fulinta wixii waajib kale ee sharciga u xil saaro.

Guddiga waxaa laga doonayaa inay u gutaan xilkooda sida ugu wanaagsan ee u hanan karaan kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan guddiga;

Guddiga waxaa laga doonayaa in musharraxii ku xadgudba sharcigan ama kuwa aan soo buuxin shuruudaha sharcigan ku xusan uu ka joojin karo tartanka doorashada ama dib-u-celin karo liiska/liisaska lagu soo magacaabay…..

Xakameynta doorashada iyo waqtigeeda waa wajib saaran guddiga doorashada dadban, guul-darrooyinkii hore waxaa ay na tusayaan in ay jiri karto cabsi laga qabo awoodda guddiga doorashada iyo sida ay u maamul karaan doorashada dadban ee dalka 2016-ka.

Halkan ka akhriso, sababo ku tusinaya in talada ay farahooda ka sii baxeyso:

Dib-U-Dhac Doorasho Oo Soo Noq-noqday: Doorashada dadban waxaa ay guddigan dib u dhigeen labo jeer, xitaa waqtiga ay howlaha kala duwan ee doorashada u qabtaan kuma dhacaan howlahaas sidii la rabay, taasi oo dhibaato u ah kalsoonida lagu qabi karo shakhsiyadda guddiga doorashada dadban iyo awoodooda.

Soo Gudbin Murashaxiinta Aqalka Sare: Waxaa guddiga dhibaato ku noqday in ay helaan liiska murashaxiinta aqalka sare oo ballanta ay aheyd in la dhameystiro October 5, 2016, labo jeer ayaa taariikhdaas kadib lagu guul-dareystay in liiska shacabka loo sheego, mana muuqato in liiskaas uu dhameystirmi doono maalmaha soo socda.

Cabashada Somaliland: waxaan weli la ogeyn sida loo xallin karo cabasha Somaliland, soo gudbinta liiska murashaxiinta iyo xitaa doorashada aqalka sare ee Somaliland mugdi ayaa ku jira.

Arrinta Somaliland waxaa  lala sugayaa  go’aanka ka soo bixi doona shirka madasha ee lagu wado in uu Muqdisho ka dhaco October 10, ma muuqato in Somaliland ay qeyb ka noqon doonto doorashooyinka labada aqal haddii aan la siin 15-ka xubnood ee aqalka sare ay ka dalbanayaan.

Haweenka iyo Labada Aqal: Liiska aqalka sare ee  dowlad goboleedyada la soo gudbiyay waxaa ku jira haweenka, laakin ma jirto dammaanad qaad ku saabsan in haweenkaas ay ku soo bixi doonaan doorashada ka dhaceysa maamul goboleedyada dalka.

Maamul goboleedyada hadda soo gudbiyay liiska murashaxiinta aqalka sare, Haweenka waxaa ay ka heleen 20% guud ahaan, taas oo ku tusineysa hoos u dhac, guddiga doorashada waxaa laga rabaa in ay liiskan celiyaan waa haddii ay awood jirto.

Doorasho Qabyo Ah: Dalka waxaa ka dhaceysa doorasho, tillaabooyinka guddiga doorashada ay qaadeen ilaa iyo hadda mid weliba waa qabyo, ma jirto wax dhameystiran, waxaa laga sugayaa in maalin uun la arko shaqo guddigan oo ku dhacda waqtigii loogu talo-galay.

Go’aan La’aanta guddiga doorashada: Guddiga doorashada waxaa ay xaq u leeyihiin in ay laalaan wixii caqabad ku ah doorashada dalka, iyaggoo meesha ka saari kara ciddii ka soo dib dhacda waqtiga doorashada, Laakin in cid walba lagu baryo ilaalinta doorashada ama in dib loo dhigo, arrintaas ma ah mid qaran ku hormari karo, kamana dhacdo adduunka sharafta leh.

Waxaa jira arrimo kale oo ku tusinaya in guddiga doorashada aaney la ekeen cadaadiska heysta, sida xareynta ergooyinka doorasho oo 10-ka bishan oo berri ah ay tahay in la dhameystiro sida ay ku qoreen jadwalka doorashada, in la hubiyo 30% haweenka haddii ay ahaan laheyd aqalka sare, ergada doorasho ama xitaa Xildhibaannada, in maalin walba laga hadlo dib doorasho, liis ama ballan laga baxo, waxaa ay dhigaato ku tahay hufnaanta doorashada iyo shakhsiyadda guddiga……..Soomaalida ayaa horey u tiro“ Meel waa laga muuqdaa ama laga maqnaadaa”!!

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,