U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Dadban Oo Go’aan Kasoo Saaray Rabshado Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa go’aan ka soo saaray rabshado ka dhacay magaalada Jowhar 18-kii bishan taasi oo u dhaxeysay Labo musharrax oo ku tartamayey kursiga aqalka hoose.

Guddiga ayaa arrintaasi kasoo saaray Saddex qodob, waxaana la joojiyey doorashada kusrigii muranka ka dhashay ee beesha Jidle/Gugundhabe illaa ammar dambe, waxaana qodobada guddiga soo saarey kala yihiin:-

  • In dib loo dhigo doorashada kursiga khilaafka ka dhashay ee beesha Jidle/Gugundhabe, iyadoo guddiga isku dhafka ah oo ka kooban guddiyada doorashada heer federaal, dowlad gobol ee doorashooyinka, guddiga xallinta Khilaafaadka, iyo maamulka Hirshabelle ay si wadajir ah go’aan ay uga soo gaari doonaan kursigaasi, baaritaan kadib.
  • In la ogolaadey in Talaado 22- November dib loo billaabo doorashada kuraasta kale ee xilidhibaanimo ee Jowhar.
  • In ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM oo kali ah loo ogolyahyay inay gudaha u galaan xarunta codeynta, iyadoo ciidamada Booliiska iyo nabad sugidda ay saldhigyo baaritaan ka sameysanayaan meel ka fog xarunta doorashada, halkaasi oo ilaalada musharraxiinta iyo hubkoodaba lagu reebayo, Qodobkaan wuxuu si guud u saameynayaa dhammaan deegaan doorashooyinka oo dhan.

Ugu dmabeyn guddiga federaalka Hirgelinta doorashada dadban wuxuu musharraxiinta xildhibaannimo oo dhan u sheegay in laga mamnuuci karo tartanka haddii ilaalada ay wataan ay rabshado ka kiciyaan xarunta doorashada.

18-kii bishan ayaa magaalada Jowhar waxaa ka dhacday is rasaaseyn u dhaxeysay ilaalada wasiirka ciyaaraha iyo kuwo la socday shaqsi la tartamayey wasiirka, waxaana halkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan Saddex qof.

Goobjoog News